RW-XAMSE CABDI BARRE OO XAFIISKIISA KU…
(SAWIRKA)-XAFIISKA REYSAL WASAARAHA.
(MUQDISHO)-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay wafdi ey hogaamineyso Agaasimaha Hayadda Caaafimaadka Adduunka (WHO) ee Gobolka Badda Miditereeniyaanka Marwa Dr.Hanan Balkhy. Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Agaasimaha ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaaladda kor loogu qaadaayo nidaamka caafimaadka ee dalka Soomaaliya iyo tababarada shaqaalaha caafimaadk,taageerada Isbitaaladda Hooyada iyo Dhallaanka iyadoo diirada la saaraayo sidii looga hortegi lahaa xaaladaha caafimaad ee ka dhasha saameynta isbedelada cimilada,sida abaaraha iyo fatahaadaha kuwaaso keenaya xaalado caafimaad oo deg deg ah oo ey ka mid yihiin cudurada faafa. Reysal Wasaare Xasme Cabdi Barre,ayaa bogaadiyey taageerada joogtada ah ey Hayadda Caafimaadka Adduunka(WHO) ee dalka Soomaaliya,waxa uuna amaanay RW-Xamse sida wadajirka ah ey ugala shaqeeyaan Wasaaradda Caafimaadka ka hortaga cudurada faafa iyo kor u qaadista adeegyada caafimaad ee kala duwan. Dr.Hanan Balkhy,ayaa dhankeeda balan qaaday in Hayadda Caafimaadka Adduunka(WHO) ey dawladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto horumarinta nidaamka caafimaadka.
ISHA-OPM.