RW-ABIY AXMED OO U CALAANCALAY BAARLAMAANKIISA.

(SAWIRKA)-RW-ABIY AXMED.

(ADDIS ABABA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Itoobiya ee Addis ababa ayaa sheegayo in Reysal Wasaare Abiy Axmed uu maanta oo Khamiis ah uu Xildhibaanadda dalkiisa u sheegay inaan loo bahneyn in dawladda Deriska ah ee Soomaaliya iney ku wareegto dalal kale si ey Itoobiya ugu Eedeyaan marka arrimaha Itoobiya iyo Soomaaliya u dhexeeyo ee isku daygii hore ee ahaa in si toos ah loo galo Badda Cas ey dhici karto. Waxay ku xallin kareen”Hal saac duulimaad ah iyo hal dood oo ina dhexmarta”. “Aad ayey u sahlan tahay sabbatoo ah wax dagaal ah oo aan la galnay dawladda Soomaaliyeed ma jirto”,ayuu yiri RW-Abiy Axmed,laakin taas bedelkeeda dawladda Soomaaliya “Waxay dooratay iney la meereysto dacweynteena”. “Taladeydu waa lacag ha khasaarina,waxa aan lacag ku bixinaa marka aan dalalka ku wareegayno”ayuu fariintiisa ku yiri Abiy Axmed. “Ma jirto baahi loo qabo in lagu wareego wadamo kale si naloo dacweeyo marka ey suuragal tahay in Addis Ababa noogu timaado. Waxaan diyaar u nahay wada hadallo,ayuu yiri Abiy Axmed isagoo intaas ku daray in lacagtaas ey si wanaagsan ugu bixi karto”Dhismaha hal kiilo mitir oo lug ah,ama hal iskuul oo Muqdisho ah,shacabka ayaa ka faa’iideysan doono”.ayuu yir Abiy Axmed,sida ka muuqato hadalka Abiy xaalku aad ayuu ugu adag yahay waxaane kuleylka ka keenay Eedeymaha loo soo jeediyey ee ah inuu ku soo xadgudbay Madaxbanaanida dhuleed ee dalka Soomaaliya.

ISHA/ADDIS STANDARD.

HALKAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

GUDOOMIYE ADAN MADOOBE OO LA SHIRAY GUDIGA…

Next
Next

MOMBASA OO UU GAARAY BANAANBXII KENYA.