RW-ABIY AXMED OO MAR KALE KA HADLAY ARR…
(SAWIRKA)-RW-ABIY AXMED.
(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Khamiista maanta ah isagoo la hadlayey Baarlamaanka dalkiisa sheegay in dalka Itoobiya eysan ku dooneyn Xoog iyo Weerar helista Badda Cas iney galaan balse ey is difaaci doonto sida uu hadalka u dhigay haddii weerar arrintaan la xiriira lagu soo qaado dalkiisa. Bishii Janaayo ee sannadkaan-2024-ka ayey Itoobiya heshiis la gashay maamulka Iskii isu magacaabay ee Soomaaliland kaasi oo Itoobiya ka kireynaayey labaatan kiilomitir oo dhul xeebeedkeeda Badda cas ah muddo dhan 50-sano,taas bedelkeedana Itoobiya ey aqoonsaneyso Soomaliland. Reysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa heshiiskan ku tilmaamay inuu yahay mid horumarineed oo ku saleysan baahida ey Itoobiya qabto Marin Badeed.
ISHA-VOA/SOMALI.