REYSAL WASAARE KU XIGEENKA OO SHR GUDOOMIYEY…

(SWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA XFS.

(MUQDISHO)-Reysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Saalax Axmed Jaamac ayaa shir gudoomiyey shir looga hadlaayey Hanaanka Qorista Qorshaha Isbedelka Qaran iyo Muhimadda uu u leeyahay Xukuumadda. Hanaanka Qorista Qorshaha Isbedelka Qaran waa geedi socod muhiim ah ee Xukuumadda DanQaran ka caawinaaya iney gaarto hadafyadeeda sare ee horumarineed ee lagu hagaayo Horumarinta dalka,iyadoo la hubinaayo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ey ka faa’iideystaan. Reysal Wasaare ku xigeenka Md Saalax ayaa sheegay in xukuumadda ey sii wedeyso dadaalka ey ku horumarineyso dalka,iyado adeegsaneysa Hanaanka Qorshaha Isbedlka Qaran si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqa leh oo amaan ah. Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixino la xiriira dardargelinta Gudi Hoosaadyadda heer farsamo iyo heer wasiir iyo diyaar garawga ku aadan waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo laba sano jirsatay.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

BAARLAMAANKA TURKIGA OO ANSIXIYEY…

Next
Next

LA TALIYAHA AMNIGA QARANKA OO KA HADLAY…