RAGII DILAY JAMAALKHASHOGGI OO KU NOOL….
(SACUUDIGA):Saxafigii u dhashay boqortooyadda Sacuudiga laguna dhex dilay safaaaradda Sacuudigu ku leeyahay dalka Turkiga dhawr sano ka hor Jamaal Khashoggi ayaa la soo sheegaa in kuwii dilay qaar ka mida eeysan ku jirin xabsi balse eey ku nool dhismayaal aad loo ilaaliyo kuna yaalo magaaladda caasimadda ah ee Riyaad,hadaba arrinkaan ayaa waxaa wax ka qoray wargayska Guardian kana soo baxa dalka Ingiriiska,wargayska ayaa sheegay ugu yaraan seddex ka mida kooxdii fulisay dilkii Jamaal Khashoggi ineey ku nool yihiin dhismo raaxo leh lana yiraahdo Seven Star kuna yaalo magaaladda Riyaad,dhismahaan ayaa waxaa aad u ilaaliyo ciidamadda sirdoonka Sacuudiga mana loo ogolo ineey galaan cid walba,waxane jirtay in ehelka Jamaal Khashoggi soo sheegeen in ragii dilay wiilkooda lana yiri xukun ayaa ku dhacay ineey ku raaxaysanayan Seven Star.ISHA GUARDIAN.