RAG XAASASKOODII KU KALA DILAY MUQDISHO IYO QORYOOLEY.

(SAWIRKA)DILAYAAL DILAY XAASASKOODA.(BIDIX)-SAYID CALI MACALLIN DA’UD. (MIDIG)-SALEEBAAN XAAJI CABDI.

(MUQDISHO)-Marka aad joogtid dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho waxa aad maqleysaa waxyaabo marnaba aad rumaysan lahayn haddii qof kale uu kuu sheegi lahaay laakinse adiga aad indhahaada ku aragtay amaba aad dhegahaada ku maqashay,Muqdisho waa caasimadda dalka Soomaaliya waxaane ku nool dad lagu qiyaasay iney dhan yihiin ilaa shan milyan oo qofood oo isaga kala yimid goboladda dalka Soomaaliya si ey halkaasi uga helaan nolol dhaanta midii ey kaga soo tageen goboladoodii. Hadaba maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu arkaayey hadal haynta nin dhallinyara ah oo Gubay Xaaskiisa oo leheed Uur lix bilood ah,hooyadii la gubay ayaa waxa ey u geeriyotay dabkii gaaray jirkeeda waxa eyna ifka uga tagtay shan caruur ah ey u soo dhashay nin kale oo ayada ka dhintay oo agoon ayey ahaayeenshanta caruur ah. Hooyo Luul C/salaan waxaa nafta dhaafiyey kii ey isku aamintay una lahayd Uur lix bilood ah,lamanahaan ayaa la sheegay iney ka wada shaqeynayeen gudaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho,waxa eyna kala joogeen Maqaayad ku taalo gudaha Garoonka diyaaradaha Aden Cadde iyo Shirkada Turkiga ey u shaqeyneysay Hooyo AUN-Luul,dilaa Sayid Cali Macllin Da’uud ayaa Hooyo Luul ku dilay degmada Dharkinley ee G/banaadir waxa uuna dilaa Sayid Cali isaga cararay caasimadda Muqdisho mana la yaqaano halka uu cagdhigay ilaa hadda balse Booliska ayaa sheegay iney baadi goob ugu jiraan Dilaa Sayid Cali. Sida laga soo xigtay dad xogogaal ah kuna dhaw Dilaa Sayid Cali ayaa sheegay in Sayid Cali ey magaaladda ka bixiyeen masuuliyiin ka tirsan Hayadaha Amniga Qaranka uuna ugu horeeyo Taliyaha Booliska G/Banaadir Macallin Mahdi oo ey isku reer yihiin,waxaa kaloo ayada la soo sheegay in Sayid Cali uu damiintay markii loo qoraayey shaqada Maqaayadda ku taalo Garoonka Aden Cadde Xildhibaanka iska leh Maqaayadda uu ka shaqeynaayey Dilaa Sayid Cali. Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye waa Xildhibaanka iska leh Maqaayadda uu ka shaqeynaayey Dilaa Sayid Cali oo baxsad ku maqan waane isla isaga shaqsiga damiintay Dilaa Sayid Cali markii uu shaqada bilaabaayey. Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/banaadir Yabooh oo ka hadlay arrinkaan mar uu waraysi siinaayey Tv-ga UNIVERSAL ayuu sheegay Yabooh in Dilaa Sayid Cali uusan ka dhoofin Garoonka Aden Cadde ee uu maray dhulka haddane uu ku sugan yahay Gobolladda dhexe,Gudoomiye Yabooh,Xildhibaan Saabir iyo Taliyaha Booliska G/banaadir Macallin Mahdi ayaa intuba waxa ey ku heyb yihiin DIAA SAYID CALI MACALLIN DA’UUD. Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamadda amaanka degmada Qoryooley iney gacanta ku soo dhigeen nin isagana dilay Xaaskiisa ninkaaso la yiraahdo Saleebaan Xaaji Cabdi,ninkaan ayaa ku eedeysan inuu dilay XAASKIISA marxuumad FAWSIYO MUXSIN MAXAMED,waxa ey AUN-Fawsiyo leheed afar caruur ah oo ey u dhashay nikaan nafta dhaafiyey ee la yiraahdo Saleebaan Xaaji Cabdi hadane ku jir gacanta hayadaha amniga.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO GARGAAR LACAGEED SIINAAYO ISRA’IIL.

Next
Next

NISA OO QABATAY GACANYARIHII MAHAD KARATEEY.