RAG HUBAYSAN OO AFGOOYE U DILAY NIN TAGSIILA AH.
(SAWIRKA)-AUN-CABAAS CISMAAN ABSHIRAW.
(AFGOYE)-Sida laga soo werinaayo degmada Afgooye ee G/shabeeladda hoose maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa rag hubaysan waxa ey toogasho ku dileen nin caan ka ah degmada Afgoye kuna shaqeysta Tagsiilanimo,ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay in la yiraahdo Cabaas Cismaan Abshiraw,ragii gaystay dilka Cabaas ayaa goobta isaga baxsaday oo lama qaban, hayadaha amniga ee degmada Afgooye ee yimid goobta uu ka dhacay dilka ayaa baaris kooban ka sameeyey halka dilku ka dhacay oo ahayd xaafadda Fayuuma mana jirto ilaa hadda cid sheegatay dilka Cabaas Abshiraw. Cabaas ayaa la sheegay inuusan ahayn nin ka tirsan ciidamadda amaba u shaqeeyo hayadaha dawladda Soomaaliyeed,dadka yaqaano Cabaas ayaa Cabaas ku tilmaamay inuu ahaay nin aad u wanaagsan dadka degmada oo dhane ey jeclaayeen.
ISHA/SB-MEDIA.