QARAXI MUQDISHO YAA LOO SOCDAY?

(SAWIRKA)-GOOBTA QARAXA KA DHACAY MAANTA.

MUQDISHO)-Wararka ka imanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegayo in maanta uu halkaasi ka dhacay Qarax uu fuliyey naftii halige ka tirsan kooxda Alshabaab,weerarka ayaa la sheegay in lala beegsaday Maqaayad ku taalo isgoyska Sayidka ee degmada H/Wadaag ee Gobolka Banaadir,Qoraal ka soo baxay ciidamadda Booliska G/Banaadir ayaa lagu sheegay in Qaraxa ey ku dhinteen dad gaarayo shan qofood eyna ku dhaawacmeen lix qofood oo kale. Goobta lala beegsaday Qaraxa ayaa ahayd goob lagu qayilo bulsho fara badane ey isugu timaado waqtiyada Galabtii ah,waqtiga uu dhacaay Qaraxa ayaa goobta waxaa ku sugnaay askar ka tirsan ciidamadda DFS,kooxda Alshabaab ayaa sheegatay Qaraxii maanta ka dhacay Maqaayadda Bulsho ee degmada H/wadaag ee G/banaadir. Dhinaca kale,ciidamadda amaanka magaaladda Muqdisho iyo afar nin oo ku labisan dharka ciidamadda cusub ee Booliska Mileteriga ayaa isku xabadeeyey agagaarka Daljirka Daahsoon ee magaaladda Muqdisho,is xabadeynta ayaa timid ka dib markii ciidamada amaanka ee caasimadda Muqdisho ey arkeen afarta nin oo wadata hub fudud dabadeedne ey isku dayeen iney joojiyaan ayey afartii nin ka carareen goobta ciidamadii ayaa xabadeeyey waxa eyna ka dhaawaceen hal ka mida kaaso hadda ku jira gacanta ciidamadda amaanka caasimadda Muqdisho,waxaane ku socdo baaritaan la xiriiro cidda ey ahaayeen kooxdaan afarta ah.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO TARTAMAYSA XILKA…

Next
Next

MAXAMED JACAYLAW OO LA JOOGO LIBAAXYO.