QARAX KA DHACAY JAWHAR OO GAYSTAY…

BURBURKII HOTEL DON EE JAWHAR.

(JAWHAR)-Dalka Soomaaliya waxa uu uu la daalaa dhacaa waqtigaan la joogo Abaaro,dhac hubaysan iyo Amni dari baahsan gaar ahaan degaanada Bartamaha,Caasimadda Muqdisho iyo koonfurta,waxaane maalin kasta la dilaa dad aan waxba galabsan ee u shaqa taga noloshooda iyo tan qoysaskooda mana la haayo cid ilaa hadda u istaagtay wax ka qabashadda arrimaha taagan. Magaaladda Jawhar ahne Caasimadda H/shabeele iyo tan G/shabelada Dhexe ayaa maanta waxaa ka dhacay Qarax aad u xoogan laguna soo raray gaari nuuca loo yaqaano DYNE waxaane lala beegsaday Hotel eey inta badan degaan masuuliyiinta ka tirsan maamulka H/shabeele lana yiraahdo Hotel Dob,warar kala gedisan ayaa ka soo baxay khasarihii ka dhashay qaraxaas maamulka H/shabeele ayaa sheegay in dhimashada tahay seddex halka dhaawaca yahay todobo balse waxaa jiro warar kale oo iyana sheegaayo in dhimashada tahay toban dhawacana ka badan yahay. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ee Muqdisho loo qaaday eey ka mid ahaayeen wasiirka caafimaadka,wasiirka haweenka iyo gudoomiye ku xigeenkii hore ee maamulka H/shabeele lama oga sida uu yahay xaalkooda caafimaad masuuliyiintaas.

ISHA WARKA SBM.

Previous
Previous

DEEQ LA SIIN DOONO..

Next
Next

MO FARAH ARRINTISA IYO SOOMAALIDA.