QARAX KA DHACAY DALKA AFGAANISTAAN.
(AFGAANISTAAN):Tan iyo markii eey ciidamadda Maraykanka isaga bexeen dalka Afgaanistaan taladda dalkana la wareegeen kooxda Dhaalibaan muddo hadda laga joogo laba bilood waxaa dalka Afgaanistaan ka dhgacay weeraro loo adeegsanaayo qaraxyo weeraradas ayaa waxa eey kooxda Dhaalibaan kaga imaanayaan kooxda loo yaqaano DAACIH-K,kooxdaan hogaamiyaheeda ayaa waxaa dilay kooxda Dhaalibaan bishii Agoosto-2021-ka,inti markaas ka dambaysay waxaa dalka Afgaanistan ka dhacay qaraxyo lala beegsanaay ciidamadda Dhaalibaan iyo taageerayaashood,Jimcaddii la soo dhaafay(8/10/2021)-ka waxaa qarax lagu weeraray Masajid eey leeyihiin Shiicadda Salaadii Jimcaha,qaraxaan waxaa ku dhintay dad gaaraayo 46-qofood waxaane ku dhaawacmay boqol qofood.Maanta oo khamiis ah(14/10/2021)-ka waxa uu qarax ka dhacay Asadabad ee gobolka Kunar ee ku yaalo bariga dalka Afgaanistaan,qaraxaan ayaa lagu dilay taliye boolis waxaane ku dhaawacmay kow iyo toban kale,sida eey sheegeen goobjoogayaal qaraxa ayaa lala beegsaday baabuur uu la socday taliyaha booliska degmada Shigal ee taabacsan kooxda Dhaalibaan.XIGASHO WAKALADO.