QARAMADA MIDOOBAY OO KAHADASHAY…

SAWIRKA XERADA ROJO.

(GENEVE)-Sannadkii 2014-kii ayey ahayd markii ey abuurantay kooxda la magac baxday ISIS(DAACISH) kooxdaan ayaa ka soo abuurantay gudaha dalka Ciraaq ka dibne waxa ey u soo gudubtay dalka Suuriya oo deris la ah dalka Ciraaq,Daacish ayaa baraha Internet-ka waxa ey ku baahiyeen waxyaabo ey diinta kaga been abuuranayaan taasne waxa ey sababtay in dhallinyaro fara badan isuguna jiro gabdho iyo wiilal ineey kooxda Daacish ku soo biiraan ayagoo ka kala yimid wadamo aan Carab iyo Muslim midna aan ahayn,dhallinyaradaas la soo khalday ayaa waxa ey sameeyen ineey iyaga dhexdooda is guursadaan dabadeedna dhalaan caruur. Ka dib markii laga gacan sareeyey kooxdii Daacish noqdeene wax la dilay iyo wax la qabtay ayaa waxaa banaanka u soo baxay dumar iyo caruur fara badan ey aabayaal u yihiin ragii la dilay amaba la qabtay kuna jira xabsiyadda caalamka,sidaas darteed,dawladda ka tirsan Yurub sida Norway iyo Denmark ayaa waxa ey dib ula soo laabteen mawaadiniintooda ku jiro xerada xabsiga ah ee Rojo kuna taalo Waqooyi-Bari dalka Suuriya,waxaane maanta oo Sabti ah(1/4/23)-ka ka hadlay khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay kuwaaso si deg deg ah ugu baaqay in dib loo soo celiyo caruurta iyo hooyooyinkooda ku dhiban gudaha xerada Rojo kuwaaso galay sannadkoodii shanaad ey halkaas ku sugan yihiin,waxayna sheegeen khubarada Qaramada Midoobay in caruurta joogto goob ey ka jiraan iska horimaadyo ey yihiin kuwa u baahan in la badbaadiyo balse eysan ahayn in la ciqaabo.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

Dr.WAARE OOLOO MAGACAABAY…

Next
Next

MARKAB DENMARK LEEDAHAY OO DIB LOO…