QADAR OO MAXKAMADA MARAYKANKA WEYDIISATAY..

Head_office_QNB-1068x808.jpeg

Bangia qaranka ee dawladda Qadar(QNB) ahne deeyn bixiyaha ugu weyn bariga dhexe ayaa maxakamadda Maraykanka weydiistay inuu dalka Eritereeya amro ineey iska bixiso lacag ku dhaw seddex boqol oo kun oo doolarka Maraykanka ah($300,000) oo deyn ku ah ka dib markii dalka ku yaalo afrikada bari uu diiday inuu ka qeygalo laba gar maxkamadeed.Muranka ka dhex jiro labada dal(Qadar iyo Eritereeya) ayaa ah in dawladda Eritereeya ka deeynsatay bangiga qaranka Qadar lacag dhan laba boqol oo kun oo doolar Maraykanka ah($200,000) sannadkii 2009 iyo 2010-kii,bangiga(QNB) ayaa ku sheegtay xukumadda Afewerke ineey dib u bixiso deynta lagu leeyahay bishii Meey-2012-kii ka dib markii eey dawladda Eritereeya bixisay afartan iyo shan milyan($45,000,000) taas ayaa deyn bixiyaha(QNB) ku qasabtay inuu aado hayadaha sharciga ee dalka boqortooyadda Ingiriiska(UK) sannadkii 2018-kii taasne waxaa u ogolaanaayo bangiga qaranka qadar(QNB) sharciga kala qaadashadda deeymaha,sannadkii xigay 2019-kii ayuu garsoore joogo maxkamad ku taalo UK si toosa u amray dalka Eritereeya ineey bixiso deeynta lagu leeyahay ee dhan laba boqol iyo konton iyo seddex milyan($253,000,000) laguna daray dulsaar(Interest).Hadaba lacagahaan la deeymiyey dalka Eritereeya ayaan la sheegin sababta Eritereeya loo deymiyey waxa uuna shaki ka jiraa sbabata Eritereeya loo siiyey lacagtaas waayo dalka Eritereeya waxa uu ku eedeysan yahay inuu kaalmo siiyo aragagixisada bariga afrika(Alshabaab) gaar ahaan dagaalkii Muqdisho ku dhexmaray Alshabaab iyo ciidamaddi Itoobiya waqtigii eey soo gelbinaayeen dawladdii KMG ahayd ee uu maxadweynaha ka ahaay AUN-Cabdullaahi Yuusuf,ma tahay suuragal in lacagtaas ka timid bangiga qaranka qadar(QNB)lagu hawlgeliyey Alshabaab,midne waa inaan xusuusnaano in dawladda Qadar xiriirka loogu jaray sabab la xiriirto ineey maalgeliso argagixisada sidii dhacday sannadkii 2017-kii,arrinta labaad ayaa ah inuu jiro xiriir dhexmaray dawladaha Qadar iyo Eritereeya heshiiskaso dhigaayey in Qadar loo tababaro ciidamo ilaaliyo amniga garoonadda kubadda cagta ee uu ka dhici doono tartanka kubadda cagta adduunka sannadka 2022-ka kaasoo eey martigelin doonto Qadar,ciidamadaas la tababaraayo ayaa laga keenay dalka Soomaaliya oo ka mida seddexda dal ee kala saxiixday heshiiska iskaashiga amniga(Soomaaliya,Eritereeya iyo Itoobiya) waxaane ilaa iyo hadda aan meel lagu sheegin askartii laga keenay soomaaliya ee tababarka loo geeyey Eritereeya,arrintaan ayaa sababtay in caasimadda Muqdisho ka dhacaan banaan baxyo is daba joog ah oo eey sameynayaan waalidiintii dhashay dhallinyaradii loo qaaday Eritereeya ka dib markii eey jawaab ka waayeen DFS. XIGASHO WAKAALADAHA.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

WAKIILKA MARAYKA EE AFRIKA OO BOOQAN DOONO….

Next
Next

LABA SOOMAALI-KENYA AH IYO HAL MASRI AH OO…