PUNTLAND OO SOO QABATAY XISAABIYIHII BURCAD BADEEDII…
(SAWIRKA)-CALI AXMED CALI,XISAABIYE BURCAD BADEED.
(GARAWE-PL)-Waxa aan la soconaa in Xeebaha Puntland lagu afduubay Markab la yiraahdo MV Abdullah taariikhdu markeey ahayd Maars-2024-kii,Markabka MV Abdullah ayaa sitay calanka dalka Bangaaladeesh waxa uuna siday dhuxul uu ka soo qaaday dalka Mosambiiq,waxa uuna ku socday dalka Imaaraatka Carabta,waxaane laga afduubay meel 600-Nautic Miles bari ka xigta caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaalia. 23-kii shaqaale lana socday Markabka ayaa la sii daayey taariikhdu markeey ahayd 14/4/2024-kii ka dib markii Milkiileyaasha lahaa Markabka MV Abdullah ey bixiyeen lacag dhan ilaa shan Milyan oo doolarka Maraykanka ah($5-Millions) oo madax furasha ah,lacagtaas ayaa waxaa bixiyey Shirkad Ceymis ah oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska(UK) lana yiraahdo P&I ee naadiga Ceymiska Badda. Lacagta Madax Furashada ah ayaa lagu soo qaaday Juuniyaal eysan karin Biyaha iyadoo Kaash ah,waxaane laga soo tuuray diyaarad ey soo kireysatay Shirkada Ceymiska goob u dhaw halka lagu haystay Markabka MV Abdullah. Markabka MV Abdullah ayaa gaaray dekedda Chattgram ee dalka Banaaladeesh taariikhdu markeey ahayd 28/4/2024-kii,ka dib markii uu soo dejiyey 55-kun Mitir Tan oo dhuxul ah,shaqaalihii la socday ayaa la kulmay soo dhaweyn diiran markii ey soo gaareen dekedda Chattogram. Markabka MV Abdullah,waxaa iska leh shirkada SR Shipping taaso fadhigeedu yahay Chattogram,waxaane iska leh Guruubka loo yaqaano KSRM. Hadaba war maanta ka soo baxay Ciidanka Booliska Gobolka Mudug dhinaca Puntland ayaa lagu sheegay in lagu guuleystay in la soo qabto Xisaabiyihii Kooxdii qabsatay(Afduubtay) Markabkii MV Abdullah. Warbixinta booliska ayaa lagu sheegay in ciidamdu ey sameeyeen hawlgal qorsheysan lagana fuliyey magaaladda Gaalkacyo ee G/Mudug,waxaane suurtagashay in gacanta lagu soo dhigo Xisaabiyihii Burcad Badeedii Afduubtay Markabkii MV Abdullah,ninkaaso lagu magacaabo Cali Axmed Cali Shirwac da’adiisuna ey tahay 39-jir eyna dhashay Luul Jaamac Guuleed. Arrintaan ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha Booliska ee Qeybta Gobolka Mudug ee Puntland G/Sare.Maxamud C/xakiin Yusuf,waxa uuna warbixin kooban ka bixiyey sida uu u dhacay hawglak lagu soo qabtay Xisaabiyaha Burcad Badeeda dhibka ku haayso Xeebaha Puntland.
ISHA-SB-MEDIA.