NISA OO SHEEGTAY IN AL-SHABAAB DILEEN IKRAAN.

pjimage.jpeg

SOMALIA(MUQDISHO)-War ka soo baxay maanta dawladda federaalka soomaaliya laguna daabacay bogga facebook-ga ee wakaalada wararka soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu sheegay in Ikraan Tahliil Faarax u gacangashay Alshabaab dileena. Ikraan Tahliil Faarax ayaa ahayd shaqaale ka tirsan hayada sirdoonka qaranka(NISA) waxa eeyna Ikraan u qaabilsaneed CYBER SECURITY,goormee la waayey Ikraan,xagee ayeysa ku sugneed marki ugu arag dambaysay? Ikraan waxaa la waayey lix iyo labaatankii bishii lixaa ee sannadkaan(26/6/2021)-ka waxa eeyna Ikraan waqtigaas ku sugneed gurigeeda kuna dhaw xarunta hayadda NISA oo ah hoygii maama khadiija ee degmada Shibis,Ikraan waxaa u soo dhacay telefoon waxaane loo sheegay inuu rabo agasimaha hayadda NISA Fahad Xaaji Daahir waxaane loo soo diray si uu u qaado gaari uu leeyahay taliyaha NISA ee gobolka Banaadir Fareey,sida laga daawaday CCTV-ga ku xirneed goobta sida aadka ah loo ilaaliyo,baabuurka ayaa waxaa ka soo baxay darawalkii taliye Fareey albaabkana ka furay Ikraan,taasne waa daliilkii ugu horeeyey ee la helay maalintii labaad ee la waayey Ikraan laguna baahiyey baraha bulshada eey kuwada sheekeystaan soomalida inteeda badan,Ikraan maxay sababsatay? Ikraan dadka la socdo arrimaheeda ayaa sheegay in Ikraan sababsatay dhawr arrimood oo eey wax ka ogeed loogana baqay ineey la wadaagto dad ka soo horjeedo dawladda federaalka soomaliyeed amaba dawladdo ajnabi ah sirdoonkooda,waxyaabaha la sheegay in Ikraan sababsatay ayaa waxaa ka mida: (1)-Qaabkii loo khaarijyey masuuliyiintii maamulka gobolka banaadir ee uu ugu weynaay AUN-Eng.Yariisaw,Avv,Sabriye iyo masuuliyiin kale kana tirsan maamulka gobolka Banadir. (2)-arrinta la xiriirta dhallinyaradii tababarka loogu qaaday dalka Eritereeya lana soo sheegay ineey qeyb ka ahaayeen dagaalkii eey dawladda Itoobiya ku qaaday gobolka Tigray-da bishii Nofembar-2020-ka dagaalkaaso eey ku dhinteen kuna barakaceen dad fara badan oo rayid ah,dhallinyaradaas ayaa tiradooda lagu qiyasay ineey dhan tahay 5500-7500-qofood,sababta keentay in NISA shaqaalaheed sida Ikraan loo waxyeeleeyo amaba loo dilo arrinta dhallinyaradaas ayaa ah in dhallinyarada lagu qoray dugsiga Shirbaw ee hayadda NISA kuna yaalo degmada Shibis si qarsoodi ah,mana jirto cid aan ahayn NISA iyo waalidiintii caruurtaas dhashay oo ogeed qoritaankooda kuwaaso loogu sheekeeyey in loo qaadayo dalka QADAR si eey ilaalo uga noqdaan koobka kubadda cagta adduunka 2022-ka oo lagu qaban doono dalka Qadar,dalka Qadar oo arintaan ka hadlay ayaa iska dafiray inuu lug ku leeyahay dhallinyaradaas balse dalalka Eritereeya iyo Qadar dacwad u dhexeeyso kuna saabsan lacag la deeymiyey dalka Eritereeya ayaa hadda loo soo gudbiyey dalka Maraykanka ka dib markii sidaas eey codsatay dawladda Qadar,arrintaan ayaa noqon karta daliil lagu cadeeyn karo in dhallinyaradii soomaaliyeed Eritereeya u haysato Rahan soona dayn doonin ilaa laga siiyo lacagtii lagula heshiiyey.

DIYAARIYE; ABKEEY-MUQDISHO/SOMALIA

Previous
Previous

WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY DALKA NEW ZEALAND.

Next
Next

NINKI WEERARKA KA GEYSTAY TANZANIA OO LA OGAADAY INUU YAHAY….