NISA OO GACANTA KU SOO DHIGTAY DHAGAR QABE…

(SAWIRKA)-DHAGAR QABE MAXAMED CALI CISMAAN IYO MOOTADIISA.

(GEDO)-War iminka inaga soo gaaray Gobolka Gedo ee Maamulka J/land ayaa sheegaayo in ciidamadda Hayadda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA kana hawlgala Gobolka Gedo iney gacanta ku soo dhigeen dhagar qabe dhaqaale uga ururinaayey dad beeraaley ah oo deganaay degaan ka tirsan degmda luuq ee Gobolka Gedo. Dhagar qabaha la soo qabtay ayaa watay Mooto laba lugooley uu isticmaalayey inuu Zakawaat uga soo ururiyo kooxda Alshabaab. Maxamed Cali Cismaan oo ah ku qeybsanihii soo ururinta waxa ey kooxda ugu yeerto Zakawaat ayaa hadda ku jiro gacanta hayadaha amniga Gobolka Gedo waxaane loo gudbin doonaa Maxkamada Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya si halkaasi looga abaalmariyo dhibtii uu gaystay dhagar qabe Maxamed Cali Cismaan.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

TURKIGA UU KA DHACAY QARAX AAD U WEYN.

Next
Next

PUNTLAND XAGEY KU SOCOTAA?