NIN LOO XIRAY INUU SOO JILAABTAY QUBADA.
(SAWIRKA)-WAA NIN LOO HAYSTO INUU SOO JILAABTAY DIIN BADEED.
(LAXAJ-YEMAN)-Wararka laga helaayo Gobolka Laxaj ee koonfurta dalka Yeman ayaa sheegaayo in shalay mid ka mida goobaha amniga iyagoo iskaashi isku duabridan la sameynaayo Ururka Ilaalinta Duur-Joogta iyo Xaywaanka ku nool badda ee degaan Khoor Cumayrah ayaa waxaa u suurtagashay iney qabtaan qof ka mid Qaxootiga ka yimid Bariga Afrika loona maleynaayo inuu yahay Soomaali kaaso ka gacansanaayey Hilibka Qubada. Ilo ku sugan degmooyinka AL-Mudaraba iyo Ra’asal Caarah ayaa sheegay in mid ka mid ah qodobaddii amniga oo kaashanaaya isku xirka Ururka Ilaaladda Duur-joogta iyo Xayawaanada Badda ku nool ee degaan Khoor Cumayrah ey u suurtagsahay iney gacanta ku soo dhigaan qof Qaxooti Afrikaan ah,qofkaan ayaa ka ganacsan jiray Hilibka Qubada,markii la soo qabanaayey ayaa waxaa laga helay Hilibkii Qubadda isaga oo ku dhex iibinaayo Xeradda Qaxootiga ee AL-Kharas. Hogaanka Ururka ilaalinta Duur-Joogta iyo Xaywaanka badda ku nool ee degaanka Khoor Cumayrah ayaa bogaadiyey dadaalka ey sameyeen hogaanka iyo hawlwadeenada laamaha amaanka oo ku guuleystay in gacanta lagu soo dhio mid ka mida dadkii lagu soo eedeeyey inuu weerar ku qaaaday goob lagu xanaaneeyo Diin badeedka isla markaasne uu dilay mid ka mid ah iyo inuu iibinaayey Hilibka qubadda iyadoo Wasaaradda ey soo saartay go’aan ah in degaanka Khoor Cumayrah laga sameey goob lagu xanaaneeyo Diin Badeedka balse ey wajahayaan dhibaato kaga imaaneysa ganacsatada hilibka Diin badeedka.
ISHA/YEMAN.