NIN KA SHEEKEEYEY WIXII KU QABSADAY LIIBIYA.
(LIIBIYA):Cismaan Toore waxa uu la ooyey xanuun ka dib markii la garaacay lana jirdilay sidaas waxa uu telefoonka ugu sheegay walaalkiis.”Aniga waxa aan ahay maxbuus ku xiran dalka Liibiya”sidaas waxaa yiri Cismaan Toore bishii Agoosto sannadkii 2017-kii.Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Cismaan Toore yiri”Waa eey i dili doonaan haddii aan siinin laba kun iyo shan boqol oo diinaarka dalka Liibiya ah muddo dhan afar iyo labaatan saac gudaheeda”.Maalmo gudahood qoyska Cismaan Toore waxa eey direen lacag dhan shan boqol iyo konton doolar ah($550) taaso ah tii wiilkooda laga dalbaday si looga sii daayo xarunta lagu haayo dadka soo galootiga ah ee dalka Liibiya laakinse Cismaan Toore ma noqon mid la sii daayey xataa haddii uu bixiyey lacagtii laga dalbaday,waxa uuna Cismaan Toore u xirnaay kuwa gata dadka isla markaasne tahriibo muddo ka badan afar sano.XIGASHO WAKAALADAHA.