Nabad iyo Nolol oo noqotay….
Tan iyo markii eey burburtay dawladdii dhexe ee sooaamliya sannadkii 1991-dii waxaa dalka soo maray dawladdo ku meel gaar ah,dawladahaas ku meel gaarka ah ayaa lahaay madaxweynayaal iyo raysal wasaarayaal dawladdii ku meel gaarka ah ee ugu horeeysay oo yeelatay raysal wasaare ayaa waxaa ugu horeeysay dawladdii uu hogaaminaayey Mw-ne AUN-C/laahi yuusuf waxa uuna raysal wasaare u magaacabay Prof.Cali Geedi ka dibne AUN-Nuur Cadde waxaane dhacday in la sameeyey xukuumad isku dhaf ah kana koobneed mucaaradkii Asmara uu hogaaminaayey Sheekh Shariif iyo dawladdii ku meel gaarka ahayd ee AUN-MW-Yuusuf waxaane madaxweyne loo doortay Sheekh Shariif waxa uu R/W u magacaabay MW-ne Farmaajo oo waqtigaas ku sugnaay dalka Maraykanka mana dhicin in Farmaajo dhammaysto xilka R/W-nimo oo waxaa lagu bedelay Prof.C/weli Gaas oo xilka haayey inta u dhexeeyso Jun/2011 ilaa okt/2012-kii,intaas ka dib dalka waxa uu galay doorasho waxaane loo tartamay xilka madaxweynaha dalka waxaane ku guulaystay prof.Xasan Sheekh Maxamuud 10/11/2012-kii waxa uuna R/wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon( okt/2012-dis/2013)-kii. C/weli Sheekh Axmed R/W- 21/12/2013 ilaa 24/12/2014-kii. Cumar C/rashiid R/W- 21/12/2014-kii ilaa 1/3/2017-kii. Dawladdii uu hogaaminaayey Prof.Xasan Sheekh waa dawladda kaliyah ee yeelatay R/W-yaashii ugu badnaay.
8/2/2017-kii waxaa madaxweynaha dalka loo doortay mudane Maxamed C/laahi Farmaajo waxa uuna R/W u magacaabay Xasan Cali Khayre bishii Maarso/2017-kii mana uusan dhicin wax iska hor imaad ah oo dhexmara MW-naha iyo R/W-rihiisa seddexdii sano ee ugu horeeysay eey isla wada shaqeeynaayeen,nasiib darrase waxaa hadda soo ifbaxay khilaaf salka ku haayo kala aragti duwaansho ku saabsan xilliga eey dhacayso doorashadda iyo nuuca eey tahay doorashadda taas ayaana sababtay in masuuliyiinta ugu sareeyso dalka la kala saftaan Mw-ne Farmaajo iyo R/W-re Khayre waxaane halkaas ka abuurantay is bahaysi laba dhinaca ah,waxaane xantu sheegaysaa in MW-ne Farmaajo ku aragti yihiin Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sh.C/raxmaan Mursal,Gudoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare Mawliid Guhaad iyo R/W-re ku xigeenka dalka Mahdi Axmed Guuleed(Khadar),dhinaca R/W-raha ayaa lagu sheegay ineey u janjeeraan masuuliyiinta kala ah Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi,gudoomiye ku xigeenka koobaad ee aqalka sare Abshir bukhaari iyo beesha caalamka,halka maamul goboleedyadda dalka seddex ka mida si cad u taagereen go’aankii gudoomiyaha aqalka sare sida Hirshabeele,Jubland iyo Puntland mana cadda mawqifka maamulka Galmudug dhinaca uu raaci doono laakinse Koonfur galbeed ayaa lagu sheegay dhinaca MW-ne Farmaajo.Waxaane soo baxaayo warar sheegaayo in MW-ne Farmaajo ku dhaqaaqay talaabooyin ka dhan ah R/W-re Khayre eeyna ka mid tahay in wasiiraddiisa qaarkood uu madaxweynaha si hoos uga dalbaday ineey iska casilaan xilalka eey u hayaan qaranka si xukuumadda uu hogaamiyo R/W-re Khayre u dhacdo,tan labaadne waxa waaye in amarka R/W-raha aan lacag looga qaadi karin bangiga dhexe ee soomaaliya ilaa amar dambe taasoo u muuqato cunaqabateeyn la saaraayo R/W-re Khayre,ugu dambayntii Nabad iyo Nolol ayaa hadda u muuqato mid ku sifoowday murtida soomaaliyeed ee dhehayso” BOQOL SOOME BAKHTI KU AFURAY “.