MW-XASAN SHEEKH OO CADEEYEY MAWQIFKIISA.
(SAWIRKA)-MADAXWEYNE XASAN SHEEKH.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay xaflad ey soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cyaaraha ee XFS xafladaaso abaalmarino lagu gudoonsiinayey kooxihii ku guuleystay kaalimaha koowaad iyo Labaad ee Tartankii kubadda cagta ee Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Tartankaan soo dhammaaday ayaa waxaa kaalinta koobaad galay maamulka Galmudug kaalinta labaadne waxaa galay Maamulka H/shabeele ka dib markii ey isugu yimaadeen cayaartii kama dambaysta ahayd. Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafladda ka hadlay ayaa soo hadal qaaday damaca itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed waxa uuna MW-Xasan yiri”Itoobiya waxaan leenahay damaca kaaga jiro inaad dhulkeena dhacdo ka imaw,markaas ayaan wada hadli karnaa,laakinse madaxa ayaa Qori kaaga qabanaa ee markaas ka dib ila hadal suuratagal ma noqoneyso”.
ISHA/CAASIMADDA.