MW-XASAN SHEEKH OO BOOQDAY XARUNTA NISA.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH.

(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu saakay oo Jimca ah uu ku jarmaaday Xarunta Hayadda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ahne dhismaha ugu weyn ee Hayadu leedahay,dhismahaan ayaa waxaa laga xukumaa lagalana socdaa dhaqdhaqaaqa Kaamerooyinka qarsoon ee ku xiran gudaha caasimadda Muqdisho,ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay Xarunta NISA ayaa ahaay inuu idhihiisa ku soo arko muuqaaladda ey duubeen Kaamerooyinka Qarsoon ee yaal baraha Koontarooladda ey kooxda Alshabaab xalay ka soo gudubtay. In Madaxweyne tago Xarunta NISA ayaa ah mid ku cusub dalka Soomaaliya waayo waa hayad gacanta ku hayso la socodka amniga Caasimadda Muqdisho iyo degaanadda ka baxsan. Wararka ayaa sheegaayo in kooxda Alshabaab ee xalay weerartay Hotel-ka SYL iney ka soo gudbeen Kontaroolka Sayidka waxa eyna isticmaaleen Aqoonsiyo DFS iska leedahay kuwaaso aan ilaa hadda la kala cadeeyn iney sax yihiin iyo in kale.

ISHA/CAASIMADDA.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

BURCAD BADEED SOOMAALI AH OO DALBADAY…

Next
Next

AKSHABAAB OO WEERARTAY HOTEL SYL EE MUQDISHO.