MW-XASAN OO CODSADAY KULAN DEG DEG AH EE BJFS BERRI.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH OO HORTAAGAN BJFS.

(MUQDISHO)-War aan ka helay Xarunta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu codsi u soo diray Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.sheekh Aadan Madoobe waxa uuna Madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday Gudoonka in Labada Aqal ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka JFS la isugu yeero shir aan caadi ahayn ee uu codsaday Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sheekh Maxamuud. Gudoomiye Aden Madoobe ayaa u sheegay xildhibaanada labada Aqal ee kuwada sugnaay Hoolka Golaha shacabka iney berri ka baaqan shirka aan caadiga ahayn ee uu dalbaday MW-Xasan Sheekh,sida uu qabo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya Qodobada 66-aad faqrada afaraad,71-aad iyo 90-aad ayaa qaba in Madaxweynaha JFS uu isugu yeei karo labada Aqal ee BJFS waqtigii loo baahdo. Ma la yaqaan waxa ey ku saabsan tahay arrinta uu rabo inuu ka hadlo MW-Xasan balse dadka falaqeya arrimaha Soomaaliya ayaa isha ku haayo dhawr arrimood ey ugu horeyso dhacdadii foosha xumeed ee ka dhacday Addis Ababa iyo dawlado la sheegay iney ku lug yeesheen weerarkii shalay lagu qaaday hawada dalka JFS.

ISHA CAASIMADDA.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

MW-XASAN OO BERRI LA KULMI DOONO LABADA AQAL.

Next
Next

MAXKAMAD KU TAALO TAYAANIGA OO XUKUN KU…