MW-LAFTA GAREEN OO LA KULMAY..

TESFAYA AYELO(BIDIX),LAFTA AGAREEN(DHEXDA) IYO XAJI(MIDIGTA).

(SOMALIA)-Dalka Somalia hadda waa Federaal oo waxa uu leeyahay Dawlad Federaal ah iyo maamulo hoos yimaado DFS dawladahaas hoos yimaado DFS ayaa kala ah {Puntland,Galmudug,Hirshabeele,Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Jubaland} dhammaan shantaan maamul goboleed ayaa mid walba waxa uu leeyahay una madaxbanaan yahay Dastuurkiisa waxa eeyna u dhisan yihiin sidIi iyagoo ah Dawlad oo kale oo waxeey leeyihiin Madaxweyne,Madaxweyne ku Xigeen Gole Wasiiro,Gudoomiye Baarlamaan iyo ku Xigeenadiisa,Dastuurka ku meel gaarka ah ee JFS ayaa qeexaayo awoodaha DFS iyo tan maamuladda hoos yimaado. Qodobka 54-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah ee JFS waxa uu leeyahay”Awood qeybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doono DFS iyo Dawladaha ka mid noqonaayo DFS marka laga reebo:(a)-Arrimaha Dibadda. (b)-Difaaca Qaranka. (c)-Jinsiyadda iyo Socdaalka. (d)-Siyaasadda lacagta,oo eey awoodeeda iyo maamulkeeda yeelanayso xukuumadda Federaalka”. Hadaba waxa aan la wada soconaa in todabaadkii la soo dhaafay ineey dagaalo ka dheceen xuduudka Soomaaliya eey la wadaagto Dalka Itoobiya gaar ahaan Gobolada Bakool iyo Hiiraan kana kala tirsan maamuladda Koonfur Galbeed Soomaaliya(KGS) iyo H/Shabeele,dagaaladdaas ayaa waxa eey u dhexeeyeen Alshabaab iyo ciidamadda Dawlad Degaanka Soomaaliyeed(DDS)-ta ee Liyu Booliska waxaane kala gaaray khaarse aad u fara badan labada dhinac ee dagaalantay,Madaxweynaha DDS-ta Mustafa Cagjar ayaa sheegay ineey gudaha dhulka Soomaaliya ka sameeysan doonaan goobo ka caagan dagaaladda(Security Buffer Zone) arrintaan ayaane dhalisay muran aad xoogan oo ku saabsan xuriyadda Soomaaliya,hadaba maanta oo Arbaca ah waxaa soo baxay warar sheegaayo in magaaladda Baydhabo ee hadda ah caasimadda ku meel gaarka ah ee KGS ineey yimaadeen saraakiil ka kala socotay dalka Itoobiya iyo DDS-ta eeyna kala hogaminaayeen Taliyaha Hawlgalka Ciidamadda dalka Itoobiya Tesfaya Ayelo iyo Taliyaha Liyu Booliska ee DDS-ta Xaaji,waxa eeyna Baydhabo kula kulmeen Madaxweynaha KGS Mudane C/casiis Lafta Gareen mana la soo sheegin waxa eey ka wada hadleen waayo kulan ayaa u muuqdo inuu ahaay qarsoodi,laakinse su’aasha u baahan in loo helo Jawaab ayaa ah”Madaxweyne Maamul Goboleed awood ma u leeyahay inuu arrin ku saabsan Amniga kala hadlo dal kale isagoo uusan goobjoog ka ahayn Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliyeed?”Waa arrin u taalo DFS haddii arrintaani dhacday.

ISHA WARKA-SBMEDIA-SOMALIA.

Previous
Previous

KOONGO OO DALKEED KA ERIDAY…..

Next
Next

WARBAAHINTA CAALAMKA OO KA HADASHAY….