MW-ISMACIIL CUMAR GEELE OO BXIYEY WARAYSI XASAASI AH.

(SAWIRKA)-MW-ISMACIL CUMAR GEELE OO BIXINAYO WARAYSI.

(JABUUTI)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Md.Ismaaciil Cumar Geele ayaa waxa uu Waraysi dhinacayo badan taabanaayo siiyey Wargayska AL-sharqul Awsat ee ka soo baxa magaaladda London ee dalka Ingiriiska,MW-Geele ayaa waxaa wax laga weydiieyey arrimo fara badan ey ka mid tahay arrinta ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya,Arrinta Badda Cas oo dagaal xun ka taagan yahay dalka Jabuutine qeyb ka yahay wadamadda uu saameeyey. Dalka Jabuuti ayaa hadda ah Madaxa Urur Goboleedka IGAD, dalka Jabuuti waxa uu qeyb libaax ka qaataa sidii dalka Soomaaliya uu u heli lahaay nabad waarta. Wargayska AL-Sharqul Awsat ayaa MW-Geele weydiiyey Su’aasha ah”Sidee ayey Jabuuti u aragtaa heshiiskii dhawaan ey ku dhawaaqeen Itoobiya iyo Somaliland iyo sameynta uu ku yeelan karo Gobolka Geeska Afrika? MW-Geele ayaa ku jawaabay”Soomaaliya iyo Itbooiya waxa ey xubin ka yihiin Urur Goboleedka IGAD iyo sidoo kale Ururka Midawga Afrika,iyadoo la og yahay in Axdiga labada Urur uu dhigaayo in la Ixtiraamo Madax Banaanida iyo Midnimada dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah. Gudoomiyaha IGAD MW-Geele wuxuu cadeeyey iney ku dhegan yihiin Madax Banaanida iyo Madax Banaanida dalalka xubnaha ka ah iyo Wadajirka dhulkooda,waxaan aad uga walaacsanahay xiisadda ka dhex aloosan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee aan deriska nahay,waxaane ugu baaqayaa iney joojiyaan colaad. Khilaafka ka wada hadla. Waxaan aaminsanahay in Gobolkeynu uusan xamili karin dhibaatooyin fara badan,sidaas darteed waa inaan diiradda saaranaa isdhexgalka dhaqaale iyo horumarka,taasne waxaa lagu gaari karaa wada hadal iyo isku duwidda wadamadda ey khuseyso”.

ISHA/AL-SHAQUL AWSAT.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

WAA MAXAY DOODA EY QABAAN SIYAASIYIINTAAN?

Next
Next

SOOMAALIYA OO BAAQ U DIRTAY URURKA MIDAWGA AFRIKA IYO QARAMADA MIDOOBE.