MW-DR.XASAN SHEEKH IYO WAFDIGIISA OO GAARAY AZERBAIJAN.

(SAWIRKA)-MW-Dr.XASAN SHEEKH OO GAARAY AZERBAIJAN.

(BAKU-AZER)-Wararka laga helaayo caasimadda Baku ee dalka Azebaijan ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdigiisa iney gaareen dalka Azerbaijan maanta oo Talaada ah gelinkeedii dambe. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa Martiqaad rasmi ah waxa uu ka helay dhigiisa dalka Azebaijan Ilham Aliyev, MW-Dr.Xasan markii uu gaaray dalka Azerbaijan waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Baku ku soo dhaweeyey Reysal Wasaare Ku-Xigeenka 1-aad ee dalka Azerbaijan Md.Yagub Eyyubov iyo Md.Elnur Mammadov ahne Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda Azerbaijan. Madxweyne Dr.Xasan Sheekh ayaa uga mahaceliyey dhigiisa dalka Azerbaijan Md.Ilham Aliyev iyo Xukuumadiisa soo dhaweyntii diiraneed ey ku qaabileen wafdigiisa iyo muhimadda sare ey siinayaan kobcinta xiriirka labada dal iyadoo ey tahay booqashadii ugu horeysay ee uu Madxweynaha Soomaaliya ku tago dalka Azerbaijan. Inta lagu guda jiro booqshada Madaxweynah JFS Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud,dalka Soomaaliya iyo Azerbaijan waxa ey kala sxiixan doonaan heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinaayo xiriirka labada dal,waxayna wafdiga Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh kulamo la qaadan doonaan dhigooda dalkaasi Azerbaijan. Booqashada Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh waxa ey muujineysaa ahmiyadda ey DFS siineyso ballaarinta iskaashiga Caalamiga ah iyo Horumarinta dhaqaalaha iyo Amniga si ey uga faa’iideystaan labada dal iyo shacabka Soomaaliya iyo Azerbaijan.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO TABABAR U SOO XIRAY NISA.

Next
Next

WAFDI TURKI AH OO SOO GAARAY MUQDISO MAANTA.