MW-DENI MA IMAAN DOONAA SHIRKA DH/MAREEB?
(SAWIRKA)-MADASHA WADATASHIGA QARANKA.
(MUQDISHO)-Magaaladda madaxda Dawlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa inuu dhawaan ka furmo shirka todobaad ee Madaxda Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada dalka la iskuna yiraahdo”MADASHA WADATASHIGA QARANKA’. Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Md.C/casiis Xasan Maxamed (Laftagaree)ayaa noqday masuulkii ugu horeeyey ee ka qeybgelaayo shirka todobaad ee soo garay magaaladda Dhuusamareeb,waxaane isagana galabta halkaasi gaaray RW-Xamse Cabdi Barre,sidoo kale waxaa ayagana la filaa iney saacadaha soo socdo soo gaaraan Dhuusamareeb Madaxweyneyaasha J/land Md.Axmed Madoobe iyo H/shabeele Md.Cali Guudlaawe. Weli lama shaacin goorta uu furmaayo shirka iyo ajandaha looga hadlaayo balse warara ayaa sheegaayo in looga hadli doono sida kooxda Alshabaab looga saari lahaay dalka iyo sida loogu diyaargaroobi lahaay wejiga labaad ee dagaalka kooxda Alshabaab. Magaaladda Dhuusamareeb ayaa waxaa horay ugu sii sugnaay Madaweyne DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud,Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor iyo Agaasimaha NISA Md.Mahad Maxamed Salaad.
ISHA/SB-MEDIA.