MW-CIRRO OO MAANTA U SAFRAY DALKA IMAARAATKA
(SAWIRKA)-MW-CIRRO OO U SAFRAY IMAARAATKA CARABTA MIDOOBAY.
(HARGEYSA-SL)-Ma ah mid uu mugdi ku jiro mana aha mid uu muran ka taagan yahay in Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta yahay dal ku lug leh Arrimaha Siyaasadda,Dhaqaalaha iyo Amniga dalka Soomaaliya tusaale ahaan dalka Imaaraatka Carabta waxa uu iibsaday dekedaha Berbera iyo Boosaaso kana kala tirsan maamuladda Soomaalilan iyo Puntland. in lala xisaabtamo dalka Imaaraatka Carabta loona sheego runta ilaa hadda lama haayo waayo dawlad kasta oo dalka Soomaaliya ka curataba ma awoodo iney ka qaado talaabdii ku habooneed in laga qaadi lahaa dalka Imaaraatka Carabta. Dhibaatooyinka ka taaga dalka Soomaaliya intooda badan waxaa gadaal ka taagan dalalka Imaaraatka Itoobiya iyo Kenya. Hadaba maxaa cusub? Dalka Imaaraatka Carabta ayaa maanta oo Axad ah waxa uu diyaarad gaar ah u soo diray Madaxweynaha Soomaaliland Md.C/raxmaan Cirro si uu u gaaro dalka Imaaraatka Carabta,waane safarkii ugu horeeyey uu Md.Cirro uu dibadda Somaliland ku tago tan iyo markii xilka loo doortay. Dalka Imaaraatka Carabta waxa uu xiriir xoogan la leeyahay Somaliland marka laga soo bilaabo sannadkii 2016-kii,waqtigaaso Shirkadda DP World ey la wareegtay gacan ku haynta Dekedda Berbera ee Soomaaliland. Sannadkii 2017-kii Imaaraatka Carabta ayaa la wareegay gacan ku haynta Dekedda Boosaaso ee maamulka Puntland,waxa eyna Imaaraatka Carabta tababar siiyaan ciidamadda Puntland ee loo yaqaano PMPF ee loogu talagay iney ilaaliyaan Xeebaha Puntland,dhawrkii sano ee ugu dambeeyey dalka Imaaraatka Carabta waxa uu ku mashquulsanaay sidii uu xiriir sokeeye ula yeelan lahaa maamulka Jubaland oo ey hadda isku qataaran yihiin DFS. Xukuumadda Abu Dabai ayaa ah mid faragelin ba’an ku heysa dalalka Suudaan,Liibiya iyo Yeman,kuwaaso dhammaantood ah dalal ey jirto colaado ey dad ku dhinteen kuwa kalane ey ku barakeceen,Soomaaliya oo iyadu kasoo kabsaneysa colaadaha Imaaraatku waxa uu ku hayaa dagaal Siyaasadeed oo toos ah,waxa uuna maalgeliyaa mucaarad kasta oo ka soo horjeeda dawlad dhiska Soomaaliya.
ISHA-SB-MEDIA.