MUQDISHO: SHIR LOOGA HADLAAYO NABADDA OO KA FURMAY…

(SAWIRKA)-RW-XAMSA OO KA QEYBGALAY SHIR.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Md.Xamsa Cabdi Barre uu maanta oo Arbaca ah(28/2/24)-ka uu daahfuray kulan looga hadlaayo Mabaadii’ida Nabadda ee Soomaaliya, RW-Xamsa ayaa sheegay in aduunka uu ka jiro welwel la xiriiro sii jiritaanka Nabdda taaso muhiim ka dhigaysa in la helo xeer sal adag oo lagu xakameeyo cid walba oo wax yeeleysa nabadda adduunka. RW-Xamsa ayaa xusay in Soomaaliya ey ku socoto jidkii Nabadda,horumarka iyo dib u soo kabshada isla markaane ey muhiim tahay in la kobciyo hayadaha dawliga ah si bulshada loo gaarsiiyo adeegyada ey u baahan yhiin ee xoojinaaya nabadda. RW-Xamsa ayaa xusay dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ee ka soconaayo dalka inuu yahay mid lagu raadinaayo Nabad,waxa uuna RW-Xamsa ugu baaqay dhallinyaradda ey marin habaabiyeen kooxda Alshabaab iney ku soo laabtaan jidka saxda ah kana tanaasulaan afkaarta guracan ee lagu daadinaayo dhiiga ummadda Soomaaliyeed. RW-Xamsa ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed iney ka shaqeeyaan Nabadda iyo isu soo dhaweynta bulshada kana fogaadaan wax walba oo dhaawici kara nabadda Ummadda. RW-Xamsa ayaa sheegay in DFS ey ka go’an tahay iney deriskeeda kula noolaato Nabad dhankeedane eysan aqbali doonin in lagu soo xadgudbo Qaranimadeeda iyo Jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

ISHA/XAFISKA RW-XAMSA.

Previous
Previous

MUQDISHO: AFAR ALSHABAAB AH OO LAGU QABTA GARAS-BAALEEY.

Next
Next

MW-XASAN OO GAARAY NAIROBI KANA QEYBGELI DOONO…