MUQDISHO OO LAGU QABTAY BAABUUR WEDAY…
(SAWIRKA)-BAABUURKII WEDAY WAXYAABAHA QARAXA LAGA SAMEEYO.
(MUQDISHO)-Maamuladda Galmudug iyo H/shabeele waxaa weli si xawli ah uga socdo dagaalka lagu ciribtiraayo kooxda Alshabaab,dagaalkan ayaa waxaa hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud. Dagaalkii ugu dambeeyey ayaa waxa uu ka dhacay Goboladda Galgaduud(Ceel La Helay) iyo Mudug(Laas-Gacamey) waxaane halkaasi jab aan la soo koobi karin lagu gaarsiiyey kooxda Alshabaab taaso maalmihii la soo dhaafay la daalaa dheceysay dhaqaale xumi baahsan,Daryeel la’aan caafimaad,Mushaar la’aan maleeshiyaadka iyo kala shakin ka dhex jirta hogaanka sare ee kooxda Alshabaab. Hadaba culaysyadaas oo is biirsaday ayey kooxdu waxa ey bilawday iney furto furin kale oo dagaal si culayska looga qaado kuwa ku go’odoonsan H/shabeel iyo G/mudug waxa eyna kooxdu bilihi dambe isku dayday iney si dhuumaaleysi ah Qaraxyo ku keento gudaha caasimadda Muqdisho,waxaane maanta oo sabti ah degaanka Daarusalaam ee magaaladda Muqdisho lagu qabtay baabuur ey saaran yihiin waxyaabaha laga sameeyo Qaraxyada ee loo yaqaano TNT-da,baabuurka la qabtay ayaa ahaay nuuca Soomaalidu u taqaano Layla Calawi waxa uuna watay laba Taargo oo laga kala bixiyey laba Maamul Goboleed waxa uuna hadda gacanta ugu jiraa hayadaha amaanka isaga iyo darawalkii weday gaarigaas.
ISHA/CAASIMADDA.