MUQDISHO OO LAGU DILAY NIN NABADOON AH.
(SAWIRKA)-AUN-NABDOON MUUSE HAARUUN ADAN.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in degmada Dayniile oo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir uu maanta ka dhacay dil loo gaystay nin la sheegay inuu yahay Nabadoon beel ka tirsan beelaha Soomaaliyeed,Nabadoonka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay in la yiraahdo Nabdoon Muuse Haaruun Adan,dilka Nabadoonka ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysan Bastoolado waxa eyna isaga baxsadeen goobtii uu ka dhacay dilka oo ahayd degmada Dayniile. Sida caadadu ahayd waxaa goobta soo gaaray ciidamadda amaanka waxa ey goobtii ka qaadeen Meydka marxuun Nabadoon Muuse Haaruun Aden,waxa eyna bilaabeen baaritaan la xiriira sida dilku u dhacay iyo cidda loo maleynaayo iney gaysatay dilka Nabadoonka,hayadaha amaanka ayaan ka hadli dilka Nabadoonka iyo cidda Gaysatay balse dilalka nuucaan ah ee ka dhaca Muqdisho ayaa waxaa inta badan fuliyey kooxda Alshabaab in kastoo kooxda dhinaceeda aan wax war laga maqal. Dhinaca kale,warar laga helay dad xogxogaal ah ayaa sheegaayo in ninkii gaystay dilka Nabadoon Muuse uu yaalo Isbitaaladda Muqdisho ka dib markii uu iska tuuray Mooto Bajaajkii uu ku baxsaday dilka ka dib,waxaane la sheegay inuu si farsma ah u doonaayey inuu uga baxsado hayadaha amaanka oo la sheegay iney heleen Taargada Mooto Bajaajka iyo midabkeeda iyo halka ey u carartay oo ahayd Ceelasha Biyaha,marin habaabintii uu la rabay hayadaha amaanka ayuu waxa uu ku dhacay gacanta hayadaha amaanka Muqdisho.
ISHA/SB-MEDIA.