MUNAASABAD SOO DHAWEYN AH OO LOO SAMEEYEY…
(SAWIRKA)-GUD.G/BANAADIR AMIIR.
(MUQDISHO)-Wararka ka imanayo caaasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Munaasabad loogu Mahad celinaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud isla markaasne lagu soo dhaweeyey magacaabista Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahne Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Maxmed Axmed Amiir Munaasabadda ayaa lagu qabtay Hotel Palace ee magaaladda Muqdisho. Gudoomiyaha G/Banaadir ahne Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Maxamed Amiir ayaa si aad ah waxa uu uga mahad celiyey soo dhaweynta ey qeybaha kala duwan ee bulshada G/banaadir u sameeyeen,waxa uuna balan qaaday inuu ka shaqeyn doono Horumarinta magaaladda Caasimadda Muqdisho iyo wax ka qabashada cabashooyinka bulshada iyo sidii bulshada G/Banaadir ey codkooda ugu soo dooran lahaayeen dadka Hogaanka u qabanaayo. Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Md.Xildhibaan Cali Xoosh, Reysal Wasaarihii hore ee dawladdii KMG Prof.Cali Maxamed Geedi,Wasiir ku xigeeno,Xildhiaano ka tirsan labada aqal ee BJFS,Gudoomiyeyaasha degmooyinka G/banaadir,Agaasimeyaal,Duubabka dhaqanka Culumaa’udiinka Haweenka iyo dhallinyarada G/banaadir.
ISHA-SNTV.