MOOTO FEKON IYO GAADIIDKA XAMUULKA OO…
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Bashiir Macallin Xasan oo uu wehliyo Taliyaha Qeybta Booliska Wadooyinka Gobolka Banaadir G/Sare.Siciicd Baryare ey maanta si wadajir ah Shir Jaraa’id ugu qabteen magaaladda Muqdisho. Masuuliyiinta ayaa ka hadlay laba arrimood oo dhibaato xoogan ku haayo shacabka Gobolka Banaadir marka laga fiiriyo dhinaca Amniga,waa Mootada Laba Lugooleyda ah ee loo yaqaano Fekon iyo Baabuurta waa weyn ee qaada Xamuulka Dekedda ka soo dega. Agaasime Bashiir Macallin ayaa sheegay in Amaro laga soo saaray Mootada Fekon ee magaaladda Muqdisho lagu dhex wado,waxa eyna amaradaasi kala yihiin: (1)-Waxaa la joojiyey gebi ahaan marka laga bilaabo maanta in Mootada Fekon aan lagu wedi karin Gudaha Muqdisho Warqadda Wada Marista,Darawalkana looga baahan yahay inuu qaato Ruqsada Gaadiid Wadiida ey bixiso Wasaaradd Gaadiidka iyo Duulista Hawada. (2)-Waxaa la joojiyey laga bilaabo maanta in Mootada Fekon lagu raaco wax ka badan Laba qofood. Waxaane digniin adag loo diray Milkiilayaasha iyo Darawaladda Baabuurta qaada Xamuulka kana hawlgasha Dekedda Muqdisho kuwaaso iyagana qeyb ka ah dhibaatada G/Banaadir. Maalmo ka hor ayey ahayd markii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaasne ah Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Madaale uu soo saaray Amar dhigaayo in Dumarka G/Banaadir eysan raaci karin Mootada Fekon ee ka hawlgasha G/Banaadir, cidii lagu arko iney qaadan weyso amarkaasi in Mootada lala wareegi doono,Darawalkii wedeyne Xabsiga loo taxaabi doono halka Dumarkii saarnaayne la ganaaxi doono.
ISHA-SB-MEDIA.