MIDAWGA YURUB OO TABABAR SIINAAYA CIIDAMA...

(SAWIRKA)-BOOLISKA ILAALADDA XEEBAHA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha ee Booliska Soomaaliyeed iyo Markabka dagaalka SANTA MARIA F-81 ee hawlgaka Midawga Yurub ayaa si wadajir ah u sameeyey tababarada kor loogu qaadaayo aqoonta fulinta sharciga iyo kobcinta ilaalinta sharciyadda badda. Tababarka ayaa ku qabsoomay gudaha biyaha badda Soomaaliyeed,Ciidanka Ilaaladda Xeebaha ee Booliska Soomaaliyee ayaa loo diyaarinayaa iney ka jawaabaan xaaladaha deg dega ah sida la dagaalanka kalluumeysiga sharci daradda ah,burcad badeeda iyo guud ahaan sugidda Amniga badda. Tababarka ayaa waxaa ka qeyb qaatay Seddex ka mid ah Doomaha nuuca hawgalka iyo diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ah. Tan iyo markii ey burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-dii waxaa beylah noqday Xeebaha dalka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan kuwa dhinaca ku haayo dalka Yeman,kuwaaso inta badan ey ka dhacaan afduub iyo kallumeysi sharci dara ah.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

WASAARADDA QOYSKA IYO WAKIILKA AU OO..

Next
Next

1,737-MAXBUUS OO FALASTIIN AH OO LA SII DEYN DOONO.