MIDAWGA YURUB OO SOOMAALIYA KU…
Dr.CILMI WASIIRKA MAALIYADDA SOOMAALIYA.
(MUQDISHO)-Midawga Yurub ayaa ansixiyey lacag dhan 20.5Milyan oo Yuuro una dhiganta Doolar ahaan ($21,985,327.50) lacagtaan ayaa lagu taageerayaa Miisaaniyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya taasi oo qeyb ka ah barnaamijka dawlad dhiska iyo taageerada deyn cafinta ururka ee Soomaaliya oo loo soo gaabiyo SRBC. Tani waxa ey ku soo beegmaysaa iyadoo Dawladda Federalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub ey bilaabeen qorshe hawleed wadajir ah oo ku aadan macaamilka Midawga Yurub iyo Soomaaliya,kaasi oo qeexaayo ahmiyadaha wadjirka ah ee labada sano ee soo socoto. Ayada oo la bixinaayo lacagtaan ayaa Midawga Yurub wuxuu ku taageerayaa Dawladdda Federaalka Soomaaliya iney fuliso qorshaheeda horumarinta iyo xasilinta qaranka ayna ku sii socoto wadadii ay ku gaari lahayd barta dhammatstirka barnaamijka deyn cafinta ee loo yaqaano HIPC. Safiirka Midawga Yurub ee Soomaliya Tiina Intelmann ayaa tiri”Iyadoo ey ku dhawdahay dhammaystirka barnaamijka HIPC,Soomaaliya waxay dhawaan gaari doontaa guul taariikhi ah,taasi oo keeni doonto fursado cusub laakin sidoo kale caqabado wadata”. “Kordhinta khayraadka gudaha iyo sii wanaajinta maamulka maaliyadda ayaa muhiim u ah horumarinta ajendaha dib u habaynta dhaqaalaha iyo sii wadida dhismaha dawladnimada Soomaaliya”. Tiina ayaa sheegtay in Midawga Yurub uu daneynaayo inuu sii wado taageerada Soomaaliya si wax looga qabto caqbadahan loona xajiiyo in adeegyo wanaagsan la gaarsiiyey shacabka Soomaaliyeed”. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr.Cilmi Maxamud Nuur ayaa yiri”Waxa aan bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Saaxibadda Soomaaliya ee Midawga Yurub ey dib u soo fasaxeen kabkii Miisaniyadda oo mudooyinkaan ey dawladda dadaal ugu jirtay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka maaliyadeed ee haydaha caalamka.” “Taageerada Miisaaniyadda ee Midawga Yurub waa il kaalmo oo qiimo leh si loo xaqiijiyo in dawladeynu ey xoojiso isbedelada socda iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.”
ISHA WARKA VOA-SOMALI.