MAXKAMADDA ICC-da OO DIIDAY….
MAXKAMADDA ICC.
(KIGALI)-Golaha racfaanka ee maxkamadda caalamiga ah ee qaada dembiyadda(ICC) ee xarunteeda tahay Hague ee dalkaasi Holland ayaa shalay oo Isniin ahayd waxa eey diiday go’aan lagu abaalmarinayo lacag dhan sodon milyan($30K) oo doolarka Maraykanka meg ahaane loo siinaayo caruurtii la askareeyey iyo dhammaan dhibanayaasha kale ee reer Koongo ee uu waxyeelo u gaystay hogaamiye kooxeedka Ntagnada kaaso galay dembiyo dagaal iyo dembiyo ka soo horjeedo bani’adanimada.Hogaamiye kooxeedka Ntagnada ayaa waxaa lagu xukumay 30-sano oo xariga sannadkii 2019-kii sababtoo ah waxa uu gaystay dil ,kufsi iyo falal kale oo arxan darra ah waxa uuna ka gaystay gobolka Ituri ee bariga dalka Jamhuuriyada Dimuqaraadiga Koongo inta u dhexeeysay sannadadii 2002 ilaa 2003-dii waqtigaaso Ntagnada ahaay hogaamiyaha maleeshiyaadka Ururka Wadaniga ee Koongo(UPC).
ISHA WARKA AA.