MAXKAMADDA ICC-DA OO AMARTAY IN LA SOO XIRO…
(SAWIRKA)-EX-RW-SHEEKHA XASINA.
(DAKAR)-Wararka laga helaayo dalka Bangaaladeesh ayaa sheegayo in Maxkamad maxali ah oo ku taalo dalkaasi ey soo saartay amar lagu soo xiraayo Reysal Wasaaradii hore ee dalka Bangaaladeesh Sheekh Xasina taaso u carartay dalka ey deriska yihiin ee Hindiya shantii bishii Agoost-2024-ka. Sheekha Xasina ayaa lagu eedeeyey dembiyo ka dhan ah bani’adanimada kuwaaso dhacay markii ey socdeen mudaaharaadyadda ey sameynaayeen ardayda intii u dhexeysay bilihii Luuliyo iyo Agoosto ee sannadkaan 2024-ka. Waarankan ayaa maanta oo Khamiis ah ey soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) dhegaysigeedii ugu horeeyey tan iyo markii ey dib u habeyn ey ku sameysay dawladda ku meel gaarka ah ee uu hogaamiyo RW-Muxamed Yoonis.
ISHA-AA.