MAXKAMADDA CQS OO XUKUNTAY SARKAAL DILAY SAAXIIBKIIS.
(SAWIRKA)-MAXAMED XASAN MAXAMED.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaayo in Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida ayaa maanta Xukun ka soo saartay dacwadii loo haystay Xidigle Maxamed Xasan Maxamed kaaso dilay Ex-Xidigle Ridwaan Ibrahim C/laahi oo ey ka wada tirsanaayeen Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed,falka dilka ah ayaa waxa uu dhacay taatiikhdu markeey ahayd 12/5/2024-ka. Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciiamadda QS ayaa codsaday qaadista dacwadaan,fadhiyo kala duwan ka dib,Maxkamadda Darajadda Koowaad ee CQS ayaa horay xukun uga soo saartay taariikhdu markeey ahayd 24/5/24-kii balse Xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay ka dib markii ey ku qancin go’aanka Maxkamadda CQS. Lixdii bishaan Agoosto/2024-ka Maxkamadda Sare ee CQS oo qabashay dalabkii Racfaanka iyadoo waqti ku filan siisay dhinacyadda ey khuseyso dacwadda ayaa ugu dambeyntii maanta xukun ka soo saartay dacwadii loo haystay X/Le Maxamed Xasan Maxamed,waxaane lagu xukumay inuu bixiyo Megta Ex-Xidigle Ridwaan taaso dhan 100-Neef oo Geel ah iyo laba sano oo xabsi ciidan ah,sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee CQS S/G.Liibaan Cali Yaraw.
ISHA/SNA-RADIO.