MAXKAMAD MARAYKAN AH OO XUKUNTAY NIN SO..

(SAWIRKA)-MUKHTAAR.

(MINNESOTA-US)-Wararka laga helaayo Gobolka ey Soomaalida ugu badan ka degan yihiin dalka Maraykanka ee Minnesota ayaa sheegaayo in Mukhtaar Maxamed Shariif oo 34-jir ah,reer Minnesota ah lagu xukumay 17-sano iyo lix bilood oo xarig ah,ka dib markii uu lunsaday lacag dhan $47-Milyan oo Doolar,lacagtaaso loogu talagalay in lagu quudiyo Caruurta Soomaaliyeed. Sida uu ku dhawaaqay Ku-Simaha Xeer Ilaaliyah Guud ee Maraykanka Lisa D.Kirpatrick,Mukhtaar ayaa sidoo kale lagu amray inuu bixiyo magdhaw gaaraayo ilaa $47,920,514-doolar. “Eedeysanuhu waxa uu geystay khiyaano aan gabasha lahayn oo si sharci darra ah ayuu u lunsaday lacago loogu talagalay in lagu quudiyo Caruurta xilligii uu jiray Cudurka saf mareenka ahaa ee COVID-19. Mukhtaar waxa uu jeebkiisa iyo kuwa shisheeyaba ku shubay Malaayiin Doolar. Maxakamdu waxay sidoo kale ogaatay inuu ku sii adkeystay dembigiisa isagoo carqaladeeyey sharciga. Xukunkan adag waa digniin cad oo ku socota cid kasta oo isku dayeysa iney ku xadgudubto Barnaamijyadda ey dawladdu maalgeliso”ayey tiri Lisa D.Kirkpatrick.

ISHA-HO.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

QORSHAHA HANTI-DHAWRKA QARANKA 2025.

Next
Next

ABAABUL CULUS OO KA SOCDA HIIRAAN.