MAXAA KA CUSUB ASKERIGII DILAY SARAAKIISHA IMAARAATKA?
(SAWIRKA)-ASKERIGII XERADA GORDAN DADKA KU LAAYEY.
(MUQDISHO)-Todobaadyo ka hor waxaa xerada tababarka ciidamadda qalabka sida ee Jinaraal Gordon ka dhacday Toogasho uu sameeyey askeri ka mid ahaay askartii la tababaraayey,askeriga gaystay Toogashada ayaa ka tirsanaay Kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirta DFS waxa uuna si dhuumaaleysi ah ugu soo biiray ciidamadda dawladda federaalka ee la tababarayey, askeriga Alshabaab ah ayey u suurtagashay inuu dilo saraakiil isugu jirta Soomaali iyo Imaaraatka Carabta kuwaaso tira ahaan gaarayey ilaa toban dhaawaca ayaa lagu sheegay inuu gaarayey ilaa 17-qofood. Ninkaan Alshabaabka ah ee gaystay dil ayaa waxa uu ka soo jeedaa Gobolka Bakool ee maamulka KGS waxa uuna Qabiil ahaan ka dhashay Qabiilka la yiraahdo HADAMO(MIRIFLE) ee uu ka soo jeedo Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Md.Sheekh Aden Madoobe,weli waxaa socdobaaritaan xoogan ey ka qeyb qaadanayaan baarayaal caalami ah.
ISHA/CAASIMADDA.