MAXAA BAAJIYEY SHIRKII MAAMUL GOBOLEEDYADDA?

(SAWIRKA)-DFS IYO MAAMUL GOBOLEEDYADDA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo inuu dib u dhac weyn uu ku yimid shirkii uu iclaamiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud,shirkaan u dhexeeyo Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyada afarta ah iyo Gobolka Banaadir. Horay waxaa DFS uga soo horjeeday maamulka Puntland, arrintaan ayaa soo socotay in muddo ah waxa eyna salka ku haysay soo xulitaankii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Reysal Wasaare u soo xulay Md.Xamse Cabdi Barre ka dib markii Madaxweyne Deni uu damacsanaay in kursiga Reysal Wasaaraha la siiyo shaqsi ka soo jeedo Puntland balse taasi ma dhicin. Maamuladda Puntland iyo Soomaaliland ayaa ah laba maamul oo warkoodu cad yahay gacan saar fiicane la leh dawladaha Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta,waxaane arrintaan si weyn isha loogu hayaa Hogaamiyaha maamulka Jubaland Md.Axmed Madoobe oo looga shakisan yahay inuu ku biiray kuwa gacan saarka la leh Imaaraatka Carabta waane sababta keentay in shirka dib u dhac ku yimaado.

ISHA/CAASIMADDA.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

HAWLGAL LAGU LAAYEY ALSHABAAB OO KA DHACAY MUDUG.

Next
Next

SOOMAALIYA OO KA QEYB GELEYSA SHIRKA ANKARA.