MARKAB CILADI KU GASHAY BADDA CAS IYO…
(SAWIRKA)-MARKABKA MV ISA STAR.
(RED SEA)-Wararka laga helaayo marin biyoodka Badda Cas ayaa sheegaayo in shaqaale la socday Markabka Xamuulka Qaada ee MV ISA STAR uuna ka dul babanaayey Calanka dalka Panama laga soo badbaadiyey Biyaha Badda Cas ka dib markii ey soo direen fariin Muruga leh,sida uu sheegay Hawlgalka Midawga Yurub ee APSIDES. “Dhammaan shaqaalihii saaranaa Markabka MV ISA STAR waa la badbaadiyey waxaane loo soo dhoofin doonaa dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo ah Dekadda ugu dhaw ee Amaan ah”ayuu yiri afhayeenka Hawlgalka Midawga Yurub ee ASPIDES qoraal uu soo dhigay Barta Faceboogiisa. Markabka MV ISA STAR ayaa la sheegay iney daadad ku soo rogmadeen qolka Matoorka,naakhuudihiina uu dalbaday gargaar ayey ASPIDES tiri iyadoo shaqaalihii la socday Markabka MV ISA STAR oo dhammaa 20-Qofood ey isaga degeen Markabka. Mid ka mid ah ilaaladada amaanka Badda Cas ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in Markabka uu la kulmay cilad xagga Matoorka ah,ilo kale ayaa sheegaayo inuu ku warbixiyey Qarax gudaha ah,faahfaahin ku saabsan Markabka ayaan ilaa hadda la hayn. Wararka ayaa intaas ku daraya in Markabka uu ku sugnaa meel 100-Nautic Miles(185-KM) u jirta Dekedda magaaladda Xudeyda ee dalka Yeman marka uu dalbaday gargaarka. Xoogaga Xuutiyiin ayaa bilaabay weeraro ey ku qaadaan Marakiibta marta Badda Cas tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin 7/10/2023-kii.