MARAYKANKA OO XIRAAYO 30-SAFARADOOD.

(SAWIRKA)-MARAYKANKA.

(WASHINGTON)-Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa iney xirto ku dhawaad 30 Safaaradood iyo Qunsuliyadood oo ey ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ey heshay CNN oo ey diyaarisay Waaxda Arrimaha Dibadda. Xogta ey heshay CNN ayaa sidoo kale sheegaysa in Washington ey dhimayso awoodda Safaaradaheeda Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo la soo koobayo hawlahooda, lagana dhigi doono xafiisyo yar-yar. Labadan waddan ayaa ah wadnaha hawlgalada Maraykanka ee la dagaalanka Argagixisada. Warbixintu waxay sheegtay in tallaabadan ey qeyb ka tahay qorshaha maamulka Trump ku yaraynayo kharashaadka dowladda. Waaxda cusub ee kor u qaadista waxtarka adeegyada dowladda, oo uu hoggaamiyo Elon Musk, ayaa horseed u ah tallaabadan. “Dhukumeentigu wuxuu soo jeedinayaa in la xiro 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyadood. Qaar badan oo ka mid ah waxay ku yaallaan Yurub iyo Afrika, balse waxaa sidoo kale ku jira kuwa ku yaalla Aasiya iyo Kariibiyaanka. Waxaa ka mid ah Safaaradaha ku yaalla Malta, Luxembourg, Lesotho, Jamhuuriyadda Kongo, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, iyo Koonfurta Suudaan,” ayaa lagu yiri warbixinta CNN. Sida uu dhawaan qoray Wargeyska New York Times, saraakiisha ugu sareysa Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ku muransan masiirka Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya. Qaarkood waxay soo jeediyeen in gabi ahaanba la xiro, iyagoo sheegay in Soomaaliya aanay ahayn meel Washington ey dan weyn ka leedahay. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump ayaa markii dambe sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono taageerada uu Soomaaliya ka siiyo la dagaalanka Argagixisada. Maraykanka ayaa Soomaaliya ku leh saldhigyo ciidan, waxana uu gacan ka siiya ciidamada dowladda dagaalka ey kula jiraan kooxaha xagjirka ah. Maamulka Madaxweyne Trump ayaa wadda qorshe weyn oo lagu dhimayo kharashaadka ku baxa Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka. Xiritaanka Safaaradaha ayaa ku soo beegmaya ka dib markii la xiray Hay’addii Mucaawinada Dibadda ee USAID, taasoo maamulka Trump uu joojiyay dhaqaalihii la siin jiray, ka dibna albaabada loo laabay. Sidoo kale waxaa la xiray Idaacaddii weynayd ee VOA, oo ey maalgelin jirtay dowladda Maraykanka, isla markaana door muhiim ah ka qaadan jirtay hirgelinta Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, gaar ahaan diblumaasiyadda dadweynaha oo lagu kasbado quluubta shacabka caalamka. Dowladda Soomaaliya, oo ka hortagaysa in Maraykanku ka laabto waddankeeda, maadaama oo joogitaankiisa uu muhiim u yahay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, ayaa Washington ugu deeqday maamulka dekeddo dhowr ah, kuwaas oo qaarkood aanay maamulin.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO SOO XIRAY SHIRKII…

Next
Next

PENTAGON OO SHAQO JOOJIN KU SAMEEYEY LABA SARKAAL SARE.