MARAYKANKA OO ISKA DIIDAY EEDAYNTII TURKIGA.
(ANKARA):Masuuliyiinta Maraykanka ayaa iska diiday maanta oo Khamiis ah(23/12/2021)-ka sheegashadda Turkiga ee ah in hawl wadeen Maraykan ah uu baasaboor dibloomassi been abuur ah ka iibiyey nin suuriyaan ah gudaha dalka Turkiga ninkaaso hadda u xiran dawladda Turkiga.Sida eey sheegeen masuuliyiin Turki ah shalay oo Arbaca ah waxaa la xiray diblomaasi Maraykan ah gudaha garoonka diyaaradaha ee Istambuul bishii Noofembar kow iyo tobankeedii(11/11/2021)-ka,masuuliyiinta Turkiga ayaa cadaysay kaliyah magaca diblomaasiga eey qabteen isagoo xarfa ah(D.J.K),waxa eeyna Turkigu ku sheegeen ninkaan eey qabteen inuu ka shaqeeyo safaaradda Maraykanka ee dalka Libnaan.ISHA AP.