MARAYKANKA OO DUQEYMO XIRIIR AH KA FULIYEY YEAMN.

(SAWIRKA)-MARKABKA QAADA DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA.

(PENTAGON-US)-Taliska dhexe ee Ciidamadda Dalka Maraykanka ee CENTCOM ayaa weeraro dhawr ah ku qaaday bartilmaameedyo ey Xuutiyiinta Yeman ku leeyihiin gudaha dalka Yeman taariikhaha kala ah 30-ka bishaan iyo 31-ka bishaan Diseembar-2024-ka. Maraakiibta dagaalka Ciidaadda Badda ee dalka Maraykanka iyo Diyaaradaha dagaalka wax ey beegsadeen Taliska Xuutiyiinta iyo Xarumaha Xakameynta iyo Hubka Casriga ah ee caadiga ah(ACW)wax soo saarka iyo keydinta oo ey ku jiraan Gentaaladda iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn(UAV). Xarumahaan ayaa loo adeegsadaa hawlgaladda Xuutiyiinta sida weerarada ka dhanka ah Maraakiibta Dagaalka ee Ciidamadda Badda ee dalka Maraykanka iyo Maraakiibta Ganacsiga ee ku sugan Koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Intaas waxaa dheer,Diyaarada Maraykanka iyo Ciidamada Cirka Maraykanka waxa ey burburiyeen goob uu yiilay Radaar ee Xeebta Xudeyda ey maamulaan Xuutiyiinta iyo 7-Gemntaal oo ah nuuca loo yaqaano Cruis Missiles iyo kuwa hal dhinac ah oo weerar ah UAC-yada Badda Cas. Ma jiraan wax dhaawac ama dhibaato ah oo soo gaartay Ciidamadda dalka Maraykanka ama qalabka labada weerarba. Duqeymahaan ayaa qeyb ka ah dadaalka CENTCM ey ku dooneyso iney hoos ugu dhigto dadaaladda ey Iraan taageerto ee Xuutiyiinta si loogu hanjabo saaxibadda Gobolka iyo Maraakiibta Mileteri iyo Ganacsiga Gobolka.

ISHA-CENTCOM.

Previous
Previous

SAMBALOOSHE OO LA HADLAY ODAYAASHA…

Next
Next

DAGAAL CULUS OO MAANTA KA DHACAY DHARJAALE.