MARAYKANKA OO DUQEEYEY DAACISH-TA SOOM..

(SAWIRKA)-DRONES-KA MARAYKANKA.

(BOSASO-PL)-Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah la beegsaday kooxda Daacishta-Soomaaliya, isaga oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa sidaas Axaddii shaaciyey Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM). Duqeynta, oo si sax ah loo bartilmaameedsaday, ayaa laga fuliyey 16-kii Febraayo Waqooyi-Bari Soomaaliya, waxaana lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda xagjirka ah ee Daacish. Sida lagu sheegay qiimeynta hordhaca ah ee AFRICOM, howlgalka ayaa sababay dhimashada laba dagaalyahan oo ka tirsan Daacish, lamana soo sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray dad rayid ah. AFRICOM ayaa hoosta ka xarriiqay sida ey uga go’an tahay la shaqeynta dowladda Soomaaliya si loo daciifiyo Ururrada Argagixisada ee khatarta ku ah Mareykanka, xulafadiisa iyo shacabka Gobolka. Taliska ayaa intaa ku daray in qiimeyn lagu sameyn doono saameynta duqeynta, isla markaana la sii deyn doono macluumaad dheeraad ah marka loo baahdo. "Curyaaminta awoodda Daacish iyo kooxaha Argagixisada ee qorsheynaya ama fuliya weerarro halis ku ah gudaha Mareykanka, xulafadeenna iyo shacabka rayidka ah, waxay weli udub-dhexaad u tahay himilooyinka AFRICOM," ayaa lagu yiri war-Saxaafadeedka AFRICOM. Duqeyntan ayaa imaanaysa xilli la helay xog cusub oo ku saabsan hawlaha Daacish ee Soomaaliya. Warbixin uu toddobaadkan soo saaray Kooxda Kormeerka Cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay, oo ku saleysan sirdoonka dowladaha xubnaha ka ah QM, ayaa lagu sheegay iney jirto “kalsooni sii kordheysa” oo la xiriirta in Cabdiqaadir Muumin oo Madax ka ah laanta kooxda Daacish ee Soomaaliya, uu sidoo kale yahay Hoggaamiyaha guud ee Daacish. Warbixinta ayaa sidoo kale iftiimisay saldhigga Muumin ee Buur Dhexaad, oo lagu tilmaamay silsilad godad iyo dhismayaal difaac ah oo ku yaalla buuraha Cal-Miskaad ee Golis ee Gobolka Bari, kuwaas oo la rumeysan yahay iney siiyaan difaac ka dhan ah duqeymaha cirka ee reer Galbeedka. Si kastaba ha ahaatee, aragtidaas ayaa hadda la tijaabinayaa, maadaama Buur Dhexaad ey u muuqato in laga dhigay bartilmaameedka duqeymo cusub oo Mareykanku fuliyey horraantii bishan. Saraakiil Mareykan ah ayaa xaqiijiyey in duqeymahaas hore lagu dilay Axmed Maeleninine, oo ahaa Hoggaamiye muhiim u ahaa Qorsheynta Weerarrada Daacish ee Dibadda, iyo sidoo kale 13 dagaalyahan oo kale oo ka tirsan kooxda. Dhinaca kale, afhayeenka ciidamada Puntland, Jeneraal Maxamuud Maxamed (Faadhigo), ayaa sheegay in duqaymahan ey ku dhinteen 16 ka mid ah dagaalyahannada Daacish, laguna gubay Warshaddii ey Qaraxyada u samayn jirtay Daacish. Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in habeenimadii xalay ey ciidamada Puntland soo rideen diyaarado Drones ah oo Daacish ku soo weerartay.

ISHA-VOA/SOMALI.


Previous
Previous

SOOMAALI LAGU TOOGTAY SACUDIGA MAANTA.

Next
Next

XOGHAYAHA DIFAAC MARAYKANKA OO KA HADLAY…