MARAYKANKA OO DIGNIIN CULUS KA SOO SAARAY…
(SAWIRKA)-MUUSE BIXI IYO ABIY AXMED.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ey soo saartay digniin aad u culus kuna saabsan damaca dawladda Itoobiya ee Badda Soomaaliyeed,Qoraalka ka soo baxay Safaaradda ayaa lagu sheegay in Madax banaanidda dhuleed ee dalka Soomaaliya ey tahay lama taabtaan cidii ku soo xadgudubtana lala tiigsano doono sharciga lana horgeyn doono Maxakamad. Horaantii bishaan maanta ku eg ee Janaayo-2024-ka ayey ahayd markii ey Heshiis addis Ababa ku kala sxiixdeen MW-Muuse Biixi iyo RW-Abiya Axmed,heshiiskaas baadilka ah ayaa Itoobiya loogu ogolaanayey dhul badeed dhan 20-kiilomitir.
ISHA WARKA/CAASIMADDA.