MARAYKANKA IYO KENYA OO KALA SAXIIXDAY..
(SAWIRKA)-WASIIRADA DIFAACA MARAYKANKA IYO KENYA.
(NAIROBI)-Wararka ka imaanayo dalka Kenya Caasimadiisa Nayroobi ayaa sheegaayo in maanta oo Isniin ah ey heshiis wada gaareen dalalka Maraykanka iyo Kenya,heshiiskaan ayaa dhigaayo in labada dal ey iska kaashadaan dhinacyada la dagaalanka kooxda Alshabaab ee ka hawlgasha Bariga Afrika iyo horumarinta dhaqaalaha. Heshiiska la gaaray maanta ayaa waxaa labada dal u kala saxiixay Xoghayaha difaaca Maraykanka Lloyd Austin iyo Wasiirka Difaaca dalka Kenya Xildhibaan Adan Ducaale Barre. Kulanka labada masuul ayaa ku soo aadaayo xilli uu Xoghayaha Difaaca Maraykanka Austin uu magaalada Jabuuti uu kula soo kulmay MW-Xasan Sheekh Maxamuud waxa eyna labada masuul ka wada hadleen arrimo la xiriiro dagaalka Kooxda Alshabaab oo hadda si xawli ah uga socdo Maamuladda Galmudug iyo H/shabeela.
ISHA/VOA-SOMALI.