MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY…
(SAWIRKA)-MW-XASAN OO KU SAXIIXAY LABADA GUDOOMIYE SHARCIGA BURINTA HESHIISKII S/LAND IYO ITOOBIYA.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo ah Sabti waxa uu Saxiixay Sharciga Burinta Is-Afgaradka dawladda Itoobiya iyo maamulka Soomaaliland eyna Ansixiyeen labada Gole ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ku amaanay Wakiiladda Shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Sahacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ey ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo Madaxbanaanidda dalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay in sharcigaan uu yahay mawqifka rasmi ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya fariin adagne uu u yahay cid kasta oo naawileyso iney boobto dhulka,badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay iney xoojiyaan Midnimadooda marxaladan taariikhiga ah, eyna kala saaraan arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaayo mustaqbalka Ubadkeyna iyo jiritaankeena Soomaalinimo.
ISHA/VILLA SOMALIA.