MADAXWEYNE XASAN OO U HAM..
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu Hambalyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku asteysan Maalinta Calanka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in 12-ka Oktoobar ey tahay maalin Xusuus iyo Sharaf leh oo ku asteysan Midnimadda,Qaranimadda iyo halgankii dheeraay ee shacabka Soomaaliyeed u soo mareen Xorriyadda. Madaxeyne Xasan ayaa yiri”Calanka Soomaaliyeed oo 70-jirsaday waa astaan Qaran,Midnimo iyo Madax banaani,waxaane ku faaneynaa taariikhda aan wadaagno ee halganka iyo dadaaladda loo galay in la gaaro xornimadda iyo Gobanimadda Soomaaliya”. Madaxweynaha ayaa ku booriyey shacabka Soomaaliyeed iney sii xoojiyaan Midnimadooda,Wadajirkooda iyo Nabadda si loo xaqiijiyo Soomaaliya xor ka ah Argagixisadda,barwaaqana ey ku nool yihiin dadkooda.
ISHA/VILLA SOMALIA.