MADAXWEYNAYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO…
(SAWIRKA)-MADAXWEYNAYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Telefoonka ey ku wada xiriireen dhigiisa dalka Masar Md.C/fataax AL-sisi ayaa ka wada hadlay xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo danaha wadajirka ah ey wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Masar. Labada Madaxweyne ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah,iyagoo xusay muhimadda ey leedahay in la mideeyo dadaaladda lagu wajahaayo caqabadaha amniga iyo xasiloonidda Gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta Masar Md.C/fataax ALsisi ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha JFS iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luuliyo ee maalinta Qaranimadda Soomaaliya,isagoo u rajeeyey Soomaaliya Horumar iyo amni.
ISHA/SNTV.