MAALQABEENKA MARAYKANKA AH BILL GATE OO LACAG U XAWILAY…
Maalqabeenka u dhashay dalka Maraykanka lana yiraahdo Bill Gate ayaa dhawaan waxa ey kala tageen xaaskiisa Maliinda oo eey wada noolaayeen muddo dhan todobo iyo labaatan sano,Bill ayaa ka mida maalqabeenada caalamka ka caanka ah.
Maalqabeenka u dhashay maraykanka Bill Gate ahne aasaasihii shirkada Microsoft ayaa bilaabay inuu lacag u xawilo xaaskiisii eey kala tageen Maliindi,lacagt uu Bill u xawilay Maliinda ayaa lagu qiyaasay ineey dhan tahay 2.4-milyaar doolarka maraykanka ah waxa uuna lacagataas u xawilay Maliinda isla maalintii eey kala tageen ka dib markii eey isla noolaayeen muddo dhan 27-sano. Maliinda ayaa Bill ka heshay 4.7% Coca-cola Femesa,qiimaheeda ayaa dhan $ 121-Milyan, 6.7% Grupo Televisione Mexico,qiimahaeeda ayaa dhan $ 386-milayan.
Miliinda ayaa noqonaysa haweenidii labaad ee adduunka ugu dhaqaala fiican waxaana ka horeeyso Faransuwas biitankoraz Mayrez ee iska leh shirkada Looriyaal waane 67-jir hantideedu dhan tahay $ 83-Milyaar. XIGASHO MARKET INSIDER.